War Lagu Farxo: Dowladda Soomaaliya Oo Maanta Diyaarad U Direysa Soomaalida Ku Xaniban Koonfurta Suudaan.

0

FOWSIYAAMuqdisho (AGGM): Sida ay xaqiijisay Siihayaha Wasiirka arimaha dibada Xukuumadii Saacid Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta diyaarad waxa ay udireysaa Koonfurta dalka Suudaan, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Soomaali badan oo sameeyay dagaalada dalkaasi ka socda.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in diyaaradaan ay direyso maanta Dowladda federaalka Soomaaliya si loosoo bad-baadiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalka Suudaanta Koonfureed.

Waxa ay sheegtay in diyaarada inta ay soo qaado ma’ahanee inta kale markale ay unoqon doonto oo lasoo qaadi doono.

Soomaalida ku sugan South Sudan ayaa waxa ay sheegtay inay la xiriiraan Safaarada Soomaaliya ee dalka Koonfurta Suudaan, si hadii ay doonayaan inay dalkooda kusoo noqdaan ay diyaarada usoo raacaan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay biloowdeen dagaalada ka dhacaya dalka Koonfurta Suudaan, Dowladaha caalamka dadka ka jooga halkaasi waxa ay ka daadgureynayeen dadkooda si aysan dhibaato halkaasi uga soo gaadhin.

Fowsiya Yuusuf ayaa hadalkaan ka sheegtay xilli ay suxufiyiinta kula hadlaysa Garoonka Muqdisho, shalay markii ay dib ugu soo noqotay Magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com