Dadka soomaaliyeed oo la geliyey dagaal sokeeye,wixii geliyeyna ay ahaayeen shaqsiyaad doonayey iney saddano siyaasadeed ku gaaraan qabiil la soo hubeeyey,qarrankiina lagu dumiyey waayo wax qorshe siyaasadeed ama dowladnimo ma aysan laheyn waxaayse la guuxayeen qabiil iyo qabyaalad iyagoo istusiyey iney sidaa hankooda siyasadeed ku gaari karaan,laakiin kuma aysan darsan inaan qabiil dowladnimo ka hirgasha soomaaliya oo dhan suurto gal aheyn waayo mushtamaca soomaaliyeed ayaa ka kooban qabiilo isku tagey sidaana ku sameystey ama ku soo dhistey qarran soomaaliyeed.
Haddaba waxaa muuqata in weli hagiddii siyaasadda soomaaliya ay ku socoto waddadii ay ku soo burburtey,haddana aad muudid in xal laga raadinayo taas oo ah wax ka fog maskax caafimaad qabta iney sidaa u fekerto waayo haddii Ilmaha yar ee Gurguuranaya oo Dambas kulul gacanta saarto dib ayuu uga noqdaa,haddaba waxaa is weydiin leh muddo ka badan 22 sano ama laga soo bilaabo in 1991 ilaa maantay aan joogno dhammaadkii 2013 in dadkii hor boodayey siyaasadda soomaaliya ilaa heer qaran ama heer gobol amaba degeen ay weli ku socdaan sidii qof waalan oo la yiri weel doloola biyo ku shub kana buuxi.
Isla markaana aan weli fahansaneyn in dhibaatada soomaaliya xal u heliddeeda aysan ku jirin meesha laga raadinayo taas oo la mid ah waali aan shaki ku jirin, Albert Einstein wuxuu ahaa ninkii ku micneeyey waxa waalida la yiraahod wuxuuna yiri sidatan> Insanity”: Doing the same thing over and over again and expecting different results”
Arrintaan waxaay la mid tahay ninkii weelka daloola biyaha ku shubayey haddana doonaya inuu buuxin doono welina ku wada biyo ku shubiddii weelkii dalooley,laakiin rajo wuxuu ka qabaa inuu buuxin doono weelka daloola!, Xal u raadinta soomaaliya ayaa waxaay la mid tahay mid laga raadinayo meel aysan ku jirin waxaana wanaagsan in la abbaaro meesha uu xalku ku jiro waana la wada og yahay meesha xalka soomaaliya ku jiro laakiin waxaa shacabka soomaaliyeed lagu maaweeliyaa waxaan jirin iyadoo ay la micna tahay qowda maqashii waxna ha u qaban.
Su’aashuse waxaay tahay yaa matalaya qowda maqashii waxna ha u qaban,waxaan aaminsanahay kuwa ku sifoobay sidaa iney yihiin soomaali dad sheeganaya isla markaana aan xil iyo xanuun midna ka aheyn halaagga iyo qaran jabka ku dhacay ummadda soomaaliyeed, laakiin eeganaya danahooda gaarka ah.
Soomaaliya waxaa ka lumay waa nadaamkii dowladnimo,haddii marka la doonayo in la soo celiyo nadaamkii dowladnimo isla markaana aan la dooneyn in lagu dhaqmo habkii ay ku dhisneyd dowladdii dhacday,waxa ugu horreeya la doonayo waa in la helaa nadaamkii uu waddanku qaadan lahaa,tusaale ma nadaam ah midnimo qaran( Unitary State),nadaam ah Federalism ah ( federal States), nadaam ah Boqortooyo sida Constitutional Monarchy or UnConstitutional Monarchy,nadaam ah Islamic State, si kastaba ha noqotee waxaa muhiim ah in marka hore la helo nadaamkii waddanka lagu hoggaamin lahaa waayo sharuucda la sameynayo qaas ahaan Dastuurku wuxuu ku jaheysnanayaa nadaamka uu waddanku qaato,iyadoo aan la garaneyn nadaamka dalku ku dhaqmayo waa dhibaato in dastuur la iska sameeyo waana arrin jahawareer keeneysa waayo nadaamku waa inuu yahay mid lagu heshiiyey ee ma ahan mid ay koox gooni ah ama dad qaas ah damacooda siyaasadeed ku dhisnaado. Sidaa awgeed soomaaliya waxaa dusha looga keeney Dastuur xambaarsan Nadaamka federalka ah.
Waana dhammeystirkii soomaaliya jiritaankeeda looga taqalusi lahaa taas ma ahan mid shaki ku jiro in federalku yahay so af jariddii jiritaankii soomaalinimo,micnaha in la helo qaran ku dhisan midnimo soomaaliyeed.
Haddii aysan soomaalidu la imaan caqli kale waa dabargo’dii, dadyow badan oo aan soomaali aheyn baa la yaaban sababta soomaalidu ugu heelen tahay iney noqoto dowlado qabiil ama maamulo qabiil ku dhisan waayo caalamku waa garanayaa sababaha keeni kara in waddan qaato nadaam federal ah,dadka ku mideysan federalka waa dad waxna ka dhaxeynayaan,waxna kala lahaanaya,su’aashu waxaay tahay soomaalidu maxaay kala lahaan doontaa?
Damcan waa iska caddahay waxaay kala lahaan doonto waa dhulka ama degaanada oo loo sameysto xuduudo ama borders la kala leeyahay! Hadda ka hor baa weriye Ajanemi ah baa wuxuu weydiiyey Cabdi Weli Cali Gaas markii uu ahaa Raysal wasaaraha soomaaliya sababta ay ugu doorteen waddankooda nadaamka federalka ah wuxuuna ku jawaabay in dowlad kasta oo ma mid ah dowladaha soomaaliya ay lahaanayaan wax la yiraahdo “ Sovereignty” Abdi Weli said “ they will protect their own sovereignty”haddii aan siino Soveriegnty Garoowe,Hargeysa,Gaalkacyo,Baledweyne,Kismaayo, Baydhabo,Gedo,Taleex,Cadaado iwm, su’aashu waxaay tahay where is Somali Sovereign State? Sidaan dan ma u tahay shacabka soomaaliyeed?
Waxaa jira shaqsiyaad badan oo ku andacooda waxaan dooneynaa wax dhaxal u noqda caruurteena,islamarkaana geed dheer iyo geed gaabanba u fuuley welina u fuushan iney soomaaliya loo kala qaybiyo dowlado qabiil ku dhisan! Damcan waxaa muuqata ineysanba fahansaneyn meesha uu ku jiro mustaqbalka caruurtooda,waayo waxaa muhiim ah in la is weydiiyo war caruurta ama jiilka cusub ee soomaaliyeed ma waxaa dan uh qabiil mase soomaalinimo?
Waxaan halkaan tusaale u soo qaadanayaa hadal uu yiri rug caddaa siyaasi soomaaliyeed Cabdi-risaq xaaji Xuseen mar wax laga weydiiyey nadaamka federalka ah iyo maamul goboleedka ama dowaladeedka wuxuuna yiri dadka doonaya in la sameeyo maamul goboleedyada waa “ MAFIA”mana aaminsani inuu jiro shaqsi nool oo siyaasadda kaga fac weyn isla marnaana nool waqtiga xaadirka ah.
Waxaan xasuustaa Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud markii loo caleemo saaray madaweynimada maalmo yar ka dib hadaladiisa waxaa ka mid ahaa dhibaatada soomaaliya xalkeeda waxaa laga raadin jirey meel uusan ku jirin, aniga runtii haddaladaas waxaay ahaayeen kuwo igu abuuray niyad wanaagsan iyo hididiilo cusub waayo waxaay aheyd hadal xaqiiqo ah, laakiin muddo gaaban ka dib madaxweyne Gurguurte waa is bedelay fekerkiisii ahaa in xalinta dhibaatada soomaaliya aysan jirin meelaha laga baadi goobayey, waxaana caddeyn ah sida uu isu bedelay madaxweyne Gurguurte waxaa jirey shir uu qaban qaabiyey kaas oo uu ugu magac daray shir qaran,loogana wada arrinsanayo jaheynta siyaasadda qarranka soomaaliyeed sidii salka loogu dhigi lahaa,laakiin maxaase dhacay shirkii,shirka waxaa la qabtay bilowgii Bishii September 2013 waxaana lagu casumay dad gaaraya 200 qof laguna sheegay iney yihiin dad muhiim ah isla markaana muteysatey in lagu casumo shirkaas looga hadlaayo masiirka siyaasadeed ee waddanka soomaaliya.
Dadkii ka soo qayb galay shirka waxaay ahaayeen dad aaminsan in looga wada hadli doono siyaasadda waddanka iyo nadaamka waddanka lagu badbaadin karo, waxaa dhacay markii shirku biloowday weliba waxaan filayaa iney aheyd maalintii labaad, waayo maalintii koowaad waxaay aheyd furitaankii shirka waxaana ka qayb galay Madaxweyne Gurguurte, sidaa awgeed maalintii labaad xubnihii ugu horeeyey markii ay bilaabeen iney ka hadlaan arrimaha ku saabsan Dastuurka Qabyo qaraalka ah, in nadaamka Fedaralka ah yahay mid xal u keenaya soomaaliya iyo inuu yahay mid keenaya dhibaato hor leh,waxaa si cad loogu sheegey xubnihii isku dayey iney ka hadlaan dastuurka ineysan meesha ool arrin ku saabsan oo looga hadlayo nadaamka federalka ah ee soomaaliya waxaana la yiri ma ahan inaan ka hadleyno federalku ma xun yahay mase fiican yahay waayo mar hore baan qaadaney federalka baa lagu yiri!
Halkaas waxaa iiga soo baxay dad la soo qalday iney yimaadeen shirka iyagoo fekerkii ay ka heysteen Ajendaha shirka iyo xaqiiqada dhabta ah ee shirku ku saabsanaa waxaay ahayeen laba aan is qaadan karin. Halkaas waxaa iiga soo baxay fekerkii ahaa xalka soomaaliya waxaa laga raadinayey meel uusan jirin kana imaanayey madaxweyne Gurguurte in is bedel ku dhacay asagoo ogaaday inuusan u madaxbanaaneyn Hoggaanka siyaasadda soomaaliya balse ay tahay mid lala xukumo.
Waxaan kaloo halkaan doonayaa inaan ku xuso wareysi lala yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle 28/12/2013 VOA Laanta afka soomaaliga inuu si cad u sheegey in nadaamka federalka soomaaliya yahay ” Sun ama Poison” lagana waayey soomaalida iney ka joogaan,isla markaana caalamku la yaaban yahay soomaalidu waxaa ay doonayaan iney doonayaan “Qarannimo” iyo iney doonayaan ” Dowlado Qabiil ku dhisan” iyadoo faahfaahsan waxaad ka dhageysan kartaa( VOA Afka Somaaliga) Taariikh 28/12/2013,waxaana aaminsanahay inaad wax badan ka fahmi doontaan arrintaas isla markaana waxaa loo baahan yahay inaad ogaataan in Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu ka hadlaayo ay yihiin arrimo uu in badan wax ka og yahay ,laakiin lagama yaabo inuu idiiin sheego Madaxweyne Gurguurte ama siyaasiin badan oo soomaali ah.
Waxaan aaminsanahay ineysan aheyn wax is waafaqaya dowlado qabiil iyo qarannimo. Soomaalinimo iyo qabyaalad siyaasadeysanna isma qaadan karaan.
Wixii dumiyey qarannimada soomaaliyana xal uma noqonayaan iney soo noqoto qarannimo soomaaliyeed, waana wax laga fiican yahay in qarannimada soomaaliya lagu raadiyo baryo iyo wax la mid ah ,waana la og yahay inta diidan qaranimada soomaaliya soo celinteeda,waxaana loo baahan yahay shacabka dhibaateysan iney fahmaan in ay gacantooda ku jirto sidii ay uga bixi lahayeen dullinimada iyo gunnimada foosha xun, inaad kala fahantaan yaa dantiina ka shaqeynaya yaase diidan dantiina.
Hadda waxaan wada og nahay dagaalada dib u soo cusboonaaday kuwaas oo dhex maraya beelo soomaaliyeed,waayo maadama dadka lagu shubay in dhulka loo kala lahaanayo qabiilo dowlado noqonaya, waxaay keentay ama abuurtey in la kala xoogo oo xattaa la gubo degaano dad ku noolaayeen si loo barakiyo dibna aysan ugu soo noqon degaankii ay ku noolaayeen, sida Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Kismaayo, Hiiraan, Taleex, iyo degaano ku yaalla meelo ka mid ah Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn,waxaayna u dhaxeeyaan dadka ku nool Degaanadaas iyo maamulka la magac baxay Siilaanyo-Land.
W/Q. Dr. Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com