War Deg Deg Ah: Qarax Ismiidaamin Ah Oo Hadda Ka Dhacay Hotel Jaziira Iyo Rasaas Xoogan Oo Dhacaysa.

0

Breaking-NewsMuqdisho (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax aad uxoogan ayaa haatan ka dhacay Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho, qaraxan ayaa lasoo sheegayaa inuu yahay mid ismiidaamin ah.

Mar qura ayaa la maqlay dhawaqa qarax xoogan oo gil gilay dhismaha Dabaqa Hotel Jaziira, iyo xaafadaha ku dhow iyadoona qaraxan la sheegayo inuu yahay mid ismiidaamin ah.

Holac Xoogan ayaa haatan lagu arkayaa qeybo kamid ah Hotelka, dhimasho iyo dhaawac ayaana jira, iyadoo la maqlayo qaraxyo kale iyo rasaas.

Ilaa hadda lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyadan iyo Rasaasta xooga ee dhacaysa.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com