Kismaayo (AGGM): Shan qof ayaa ku dhimatay waqooyiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaddib markii uu ku dumay god ay ka qodayeen carro kaawada loo isticmaalo dhismaha.
Horjoogeyaal ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo ciidamada AMISOM oo gurmad ku tegay halkaas ayaa ku guuleystay inay gunta hoose ee godka ka soo saaraan meydadka.
Waxaa lagu soo warramayaa in uu godka dumay galabta abbaaro 03:00 pm ee xilliga Geeska Afrika, hase yeeshee waxaa laga war-helay abbaarihii salaaddii maqrib.
Dadka dhintay waxay ka shaqeyn jireen qodista carro kaawada.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com