New York (AGGM): War laga soo saaray xafiiska xoghayaha guud ee QM Ban Ki Mun ayaa lagu sheegay in golaha amaanka uu wacad ku maray in ay ka hortagi doonan hanjabadaha kasoo yeeraya Xarakada Al-shabab ee iyagu xiriirka la leh Ururka Al-qaeda waxana ay sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday Hotel Jazeera oo sababay geerida ugu yaraan 10-qof.
Ban ayaa amaanay dadaalada ay bixinayaan ciidamada Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Afrika ee iskaashanaya sidii ay u baajin lahaayen weerarada noocasi oo kale ah.
War saxafadedka ayaa loogu baaqay dowlada Soomaaliya in ka hortagto weerarada noocasi oo kala waxana golaha amaanka uu u tacsiyadeeyay shacabka Soomaaliya dadkii ku geeriyooday weerarki Hotel Jazeera. Dowlada Jordan oo iyadu madax ka ah golaha amaanka ayaa sheegtay in golaha si wada jir ah ula dagaalami doono argagexisada nooc waliba oo ay qatartooda gaar siisan tahay si nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya loo soo celioyo waxana dowladasi ay ku baaqday in dowlada Soomaaliya laga gacan siiyo inay cadaalada horkeento shaqsiyaadka ku lugta leh in ay carqaladeyan arimaha nabbadenta dalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com