Garoowe (AGGM): Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedda deegaannada Khaatumo ayaa sheegay inuu yahay musharrax u taagan xilka ku-xigeenka madaxweynaha maamulka Puntland.
Axmed Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu ku dhiirraday in isku soo taago xilka madaxweyne ku-xigeenka Puntland, isla markaana uu ku rajo-weyn yahay inuu waxqabad la yimaado haddii uu ku guuleysto xilka.
Wuxuu sheegay inuu ku dedaali doono isku soo dhoweynta qeybaha bulshada, haddii uu ku guuleysto doorashada.
In ka badan 15 musharrax ayaa u taagan xilka madaxtinimada maamulka Puntland, iyadoo tiro kalena ay u tartamayaan ku-xigeenka madaxweynaha maamulka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com