Ceel Waaq (AGGM): Col Warfaa Sheekh Aadan oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadanaa inay mushaaraad siiyaan Ciidamadda dowladda ee ku sugan gobolada gaar ahaan gobolka Gedo iyo Jubbooyinka.
Warfaa ayaa ugu horayn faah faahin ka bixiyay xaalada amni ee deeganada ay Ciidamadda dowladda uga suganyihiin goboladaasi isagoona shegay xaaladu inay dagantahay isla markaana deeganada ay Ciidamadu uga suganyihiin gobolka Gedo ay amnigooda sugeen, isagoo geesta kale tilmaamay goobaha Al-shabaab uga suganyihiin gobolka Gedo sanadkaan cusub inay wadaan qorshayaal looga xoraynayo.
Wuxuu ka dalbaday Warfaa Sheekh Aadan Madaxwaynaha Soomaaliya inuu dib u eegis ku sameeyo dadkii uu mushaaraadkii ugu dhiibay Ciidanka dowladda.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Warka Col. Warfaa Mobilkaaga…
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com