Garoowe (AGGM): Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole Ayaa sheegay in hadii laga guuleysto uu xilka wareejinayo, balse uusan fileyn in laga guuleysanayo.
C/raxmaan Faroole ayaa muujinaya kalsooni badan oo ku aadan inuu ka guleysto 10-musharax ee isaga la baratemysaa, kuwaasi oo maanta Baarlamaanka ku kala bixi doona.
Faroole wuxuu sheegay in dhamaan dadka u taagan qabashada hogaanka Maamulka Puntland ay utartamayaan sida uu yiri waxqabad uu isaga muujiyay mudadadii shanta sano aheyd ee uu xilka ka haaye Puntland.
Maanta oo Arbaco ah 8-January saacadaha soo socda ayaa lagu kala bixi doona doorashada madaxtinimada maamulka Puntland.
66 Xildhibaan oo labo kamid ah ay yihiin haween ayaa dooran doona Madaxweynaha hogaamin doona Maamulka Puntland shanta sano ee soo socota.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com