War Cusub: Oday Waayeel ah oo lagu dilay Magaalada Kismaayo

0

RaaskambooniMuqdisho(AGGM): Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Xalay waxaa ka dhacay Dil Bareer ah oo loo geeystay Oday Da’ah oo ka mid ah Dadka Reer Kismaayo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Kooxda Raas-kambooni  Xaafada Calanleey ay ku dilaan Oday Waayeel ah oo magaciisa lagu sheegay Mursal Cawaale Axmed.

Dilka ayaa waxaa fuliyey sida ay Illo Wareedyo lagu kal soonaan karo Allgalgaduud Media u sheegeen  Maleeshiyaadka Raas-kambooni,gaar ahaan Ilaalada Axmed Madoobe.

Waxaa Goobjoogeyaasha ay noo sheegeen in Murasal Cawaale uu ka mid ahaa Dadka Barakacayaashaa eek u nool Magaalada Kismaayo.,inkastoo aan la ogeeyn u jeedka Dilkiisa.

Maleeshiyaadka Koox Beeleedka Raas-kambooni ayaa waayahaan danbe waday Dilalka joogtadaa ee lagu hayo Dadka Shacabkaa ee  ku nuul Magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com