Dunidaan casriga ah ee maanta la joogo waxay ku loolameysa dhaqaale kaa soo inta ugu badan ku tiirsan wax soo saarka dabiiciga sida shidaalka, saliida iyo macdanaha kale,waxaana iyadana door muhiim ah ku jira wax soo saarka beeraha oo dalba inta dhul beereedkiisu la’eg yahay ayuu ka maarma waxyabaha nolosha aas-aasiga u ah.
Soomaaliya waxaa alle ku galaday dhulka ugu wanaagsan wax soo saarka beeraha,waxaana mara webiyada Jubba, Shabelle iyo Daawo sidaa oo ay tahay dadka soomaaliyeed sanad walba waxaa gaajo iyo macluul u geeriyooda kumanaan kun oo u badan haween iyo caruur.
Soomaaliya waa dal hodon ah misena kamid ah dalalka ugu faqrisan dunida gaar ahaan dalalka ka hooseya saxaraha ee bariga Afrika.
Gobollada Shabellaha Hoose, Shabellaha Dhexe, Jubbada hoose, Jubbada Dhexe, Hiiran oo lagu daray qaybo kamid ah goboladda Togdheer, sanaag, Awdal, iyo Waqooyi galbeed waxaa ay qani ku yihiin beeraha haba ugu kala muhiimsanadaan sida webiyadu u maraan dhulka beeraleyda.
Dakhliga dalkeena waxaa uu hadda ku tiirsan yahay dhoofka xoolaha nool, kaalmada caalamka ka timaada iyo canshuuraha laga qaado badeecadaha ay soo dagsadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo ganacsigoodu yahay kaliya wax soo dajin.
Dib u bilicso dakhliga dalkeenu 1850 ilaa 1969 wuxuu ku tiirsana labo waaxyaabood oo muhiim ah mida koowaad xabkaha iyo faleynka oo naaneys looga dhigay dalkeena {dhulkii uduga} iyo magacyo kale ganacsigaas ayaa gaari jiray dalalka Shiinaha, Masar, Iiran, Hindiya iyo dalal kale oo bariga dhexe ah.
Xoolaha waa qayb kale oo muhiim u ah jiritaanka dadkeena iyo dhaqankeenaba, ganacsigaan ayaa ahaa mid isku xiri jiray dalalka badan oo caalamka ah iyo dalkeena.
Curashadii dowladii malatariga waxaa ay badashay ku tiirsananta dakhliga halka dhinac ah,waxaana ay xoogga saartay wax soo saarka warshadaha oo waxaa la hirgaliyay warshado badan oo looga faa’iideystay in looga maarmo waxyaabihii dalkeena loo soo iibgeyn jiray iyo in Soomaaliya ay noqoto dalka isku filan waxna dunida u iib geyo.
Soomaaliya ayaa wax soo saarka beeraha meel wanaagsan ka gaartay marka loo eego waxyaabihii aynu iib geyn jirnay iyo isku filnaanshada dhanka cunada aheed, maanta midaa ma jirto oo waxaa dalka Soomaaliya uu qayb weyn ka yahay dalalka nafaqo darida ay ubadkiisu u la’anayaan ama ay ku nool yihiin malaayiin u baahan gurmad deg deg ah oo cunadu ugu horeyso.
Waxaa hubaal ah in dadka soomalaiyeed ay yihiin dad howl kar ah wax walba oo ay u gacan qaadaan ka miro dhaliya oo han iyo qab sare leh, waxaana aaminsanahay in ay u baahan yihiin jiheyn iyo garab istaag buuxa oo ay ka helaan wasaaradaha dowladda Federaalka ee ku shaqada leh.
Maanta dowladda federaalka waxaa la gudboon xoojinta wax soo saarka beeraha si ay xal ugu noqoto abaaraha soo noqnoqday ee sanad walba sababa gaajo iyo macluul daran oo halakeysta shacabkeena Soomaaliyeed.
W.Q: Sharma’arke Mohamed Warsame