Muqdisho(AGGM): Dawlada Sacuudiga ayaa dalka Soomaaliya usoo musaafurisay wariye dalkaasi u dhashay kadib markii uu warbixin ka qoray boqortooyadda maamusha dalkaasi. Wariyahaan oo magaciisa lagu sheegay Cumar Cusmaan ayaa maalintii Jimcihii laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho asagoo la socday diyaarad siday Soomaali Sacuudiga laga soo tarxiilay.
Wargeyska Al-Wa aa-im oo uu wariyahaan Sacuudiyaanka tifaftire ka ahaa ayaa ku waramay mar uu taleefoonka kula hadlay asagoo Muqdisho joogaa inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda uu ku sugan yahay lana yaabanyahay sababta Soomaaliya loo keenay.
“Ma aqaan af-Soomaaliga mana kala aqaan Soomaaliya anniga waxaan ahay muwaadin Sacuudiyaan ah oo bariga Sacuudiga ku dhashay” ayuu yiri wariyahaan oo Cumar Cusmaan la yiraahdo.
Wararku waxay sheegayaan in wariyahaan oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa Sacuudiga laga qaaday baasaboorka wadankaasi ee uu haystay waxaana la xiray kadib markii uu warbixin uu kaga hadlay sida boqortooyadu u shaqayso uu ku qoray wargeyska uu ka shaqaynayay.
Wargeyska Al-Wa aa-im ayaa ku waramaya in wariyahaan waraaqaha safarka looga qaaday safaaradda Soomaaliya ee magaalada Jedda ku taala waxaana arrintaasi ka dambeysay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga.
Ehelada wariyahaan Sacuudiga u dhashay ee Soomaaliya loo soo tarxiilay ayaa iyana sheegay inay hayaan xog ku saabsan in wiilkooda lagu daray Soomaali laga soo tarxiilay dalkaasi.
Sacuudiga ayaa si joogto ah usoo tarxiila Soomaalida wadankaasi u shaqo doonta hase ahaatee waa markii ugu horeysay oo shaqsi Sacuudiga u dhashay Soomaaliya loo soo tarxiilo.
Dawladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga labadaba kama aysan hadlin arrintaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com