Top News: Midowga Afrika Oo Sheegay In Ciidamada Itoobiya Ku Biirayaan Howlgalka Amisom.

0

Amb. Smail CherguiAddis Ababa (AGGM): War ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya si rasmi ah ugu biiri doonaan howlgalka midowgga Africa AMISOM.

War ka soo baxay guddoomiyaha guddiga nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika, Amb Smail Chergui, ayaa lagu sheegay in xiligan la doonayo sidii looga dhabeyn lahaa kordhinta tirada ciidamadan AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Guddoomiyaha nabad-galyada midowgga Africa ayaa intaa ku darray in ciidamada Itoobiya ee ku sugan qeybo ka mid ah Soomaaliya si rasmi ah qeyb uga noqon doonan AMISOM,oo ay ku mideysan yihiin ciidamada gacanta siinaya dowladda Soomaaliya.

Wuxuu Amb Smail Chergui intaas raaciyey in tirada Ciidamada AMISOM ay noqon doonaan 22,000 askari iyadoo ay hadda yihiin tiro u dhaxeysa 17,000 ilaa 18,000 askari kana kala socdaan wadamada Uganda, Burundi, Kenya, Djibouti iyo Sierra Leone.

Amb Smail Chergui,waxaa uu sheegay in Midowga Afrika uu doonayo sidii dib loogu soo celin lahaa xasiloonidii ka jirtay Soomaaliya,ayna ka dhacdo Soomaaliya marka la gaaro sannadka 2016-ka doorashada madax-bannaan.

Ciidamada AMISOM ee iyagu Soomaaliya jooga waxaa ay xilligaan dagaal xooggan kula jiraan kooxda islaamiyinta ah ee Al Shabaab kuwaaso ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool,waxaa Al Shabaab kula dagaallama ciidamada Itoobiya oo fariisamo ku leh,balse xilligan waxaa la qorsheynaya in ciidamada ay ku fidaan gobollada koonfured iyagoo qeyb ka noqon doonna howlgalka AMISOM ee ciribtirka Al Shabaab iyo baadi gobta nabadda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com