Garbahaarey (AGGM): Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay xiriirka u jarayn Dowladda Federalka ee Soomaaliya, kadib markii ay ku eedeeyeen inaanay horu-socod lahayn.
Afhayeenka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al-qaadi), ayaa wuxuu ku dhawaaqay in ay si rasmi ah u jarayn xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.
Afhayeenka, ayaa waxa uu sheegay in xalay ay kulan ballaaran yeesheen Saraakiisha Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, isla-markaana ay go’aansadeen inay daaqada ka saaraan, heshiiskii ay horey Dowladdu ula galeen.
Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq, ayaa tilmaamay in Dowladda Somaliya ay bishii Maarso wada galeen heshiis ah, in la mideeyo Ciidamada Dowladda iyo kuwooda, sidoo kalana la dardar geliyo dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab.
Sidoo kale wuxuu intaa raaciyay in marar badan ay Dowladdu la sameeyeen xiriir ku aadan, dhameystirka heshiiskii ay la galeen dhamaadkii bishii Maarso ee sanadkii tagey. Hase ahaatee ay Dowladdu dareensiisay inaanay taasi u soo jeedin.
Dhinaca kale Sheekh Al-qaadi, ayaa wuxuu ku dhawaaqay in masuul dambe oo ka socda dhinaca Dowladda, aanu cagta soo dhigi karin deegaaanada ay ka arrimiyaan. Haddii ay taasi dhacdana wixii ka yimaado, ay masuuliyada qaadi doonto Dowladda Xasan Sheekh, sida uu yiri.
Go’aanka ay qaadatay Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli ay soo xoogeysanayaan dhaliilaha loo jeedinaayo Dowladda Federalka ee Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com