Top News: Ciidamada Kenya oo laga wareejinayo Hogaanka AMISOM ee Jubooyinka

0

SOMALIA-UNREST-KENYAMuqdisho (AGGM): Qeybta xoojinta amaanka ee ururka Midawga Africa ayaa ku dhawaaqay in  hogaanka ciidamada AMISOM qeybta gobolada Jubbooyinka ee koofurta Soomaaliya dhawaan lagu wareejin doono ciidamada dawlada Searra Leone ee Soomaaliya ku sugan.

Warkaan oo lagu qoray warbaahinta dalka Searra Leone waxaa lagu sheegay in hogaanka ciidamada AMISOM qeybta 5,aad ee ka hawlgala gobolada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo hogaankooda lagu wareejinayo taliyaha ciidamada Searra Leone  horaanta bisha soo socota ee February.

Madaxa xoojinta amaanka ururka Midawga Africa General David Baburam, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taliyaha ciidamada dalka Searra Leone ee Soomaaliya jooga Major General Samuel Omarr Williams uu hogaamin doono ciidamada AMISOM qeybta 5,aad ee Jubooyinka ku sugan asagoo xilka kala wareegi doona taliyaha ciidamada Kenya ee hadda hogaanka haya.

Sargaalkaan Midawga Africa u hadlay waxaa uu sidoo kale sheegay in la xoojin doono awooda ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Dhawaan hogaanka taliska AMISOM waxaa la wareegay sargaal ka tirsan ciidamada Burundi kadib markii uu kala wareegay taliyaha ciidamada Uganda oo muddo hayay.

Dhawr wadan oo African ayay ciidamado ka joogaan Soomaaliya kuwaasoo dalka kula dagaalama Xarakadda Al-Shabab oo Al-Qacida ku xiran.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com