Dhageyso: Beelo Ku Dagaalamay Magaalada Luuq Oo Heshiis La Dhex Dhigay.

0

luuqLuuq (AGGM): Guddi ka kooban xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Gedo ayaa ku guulaystay soo afjaridda shaqaaqo ay labo qof ku dhinteen oo dhowaan ka dhacday degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Xildhibaan Axmed Daqarre iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gobolka Gedo, Xasan Garbahaarrey ayaa u sheegay Warbaahinta in la xalliyay shaqaaqada.

Waxay tilmaameen in guddiga iyo dadweynaha degmadu ay wada go’aansadeen in shareecada Islaamka la marsiiyo qofkii sharci darro ku dila qof kale.

Waxgaradka iyo dadweyanaha degmada Luuq ayaa soo dhoweeyey xalka la gaaray, waxayna u mahad-celiyeen guddiga.

Isku soo wada duuboo Shaqaaqada oo abuurtay xiisad colaadeed ayaa timid kaddib markii laba bilood ka hor is rasaasayn ay labo qof ku dhinteen dhex martay ciidamo ka wada tirsan maamulka degmada Luuq.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com