Warbixin: Caqabadaha Xukuumadda Cusub Ay La Kulantay.

0

Cabdiwali SheekhRaysal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi wali Sheekh Axmed ayaa mudo ku dhow 40-maalmood oo laga sugayay inuu soo dhiso xukuumad, latashiyana uu kula jiray Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka kadib wuxuu ku dhawaaqay wasiiro ka kooban 55-xubnood.

Maadaama wax badan ay shacabku war dhowrayeen Raysal wasaaraha oo ah nin aqoonyahan ah xillal badan iyo shaqooyina soo qabtay ayaa mar qura shacabku oo doonayay isbadal iyo in horay loo socdo neef ka soo fuqday waxaana qof walba iswaydiisay maandeeq Foolatay maxay dhashay.

Dhalashadii Xukuumadaan ayaa waxaa loogu wanqalay muran iyo isqab-qabsi kaasi oo keenay in Xukuumada lagu dhawaaqo waqti danbe oo habeen ah saacaduna.

Soodhawayn yar oo dadka qaarkii ay u muujiyeen xukuumadaan ayaa waxaa xigay mucaraado badan oo soo baxay oo waliba kaga yimaaday dhanka beelaha iyo waliba Xildhibaanada.

Qaar kamid ah beelaha ayaa sheegaya inaysan ku qancayn xilalka ay heleen, dowlada oo dhana ay ka soo horjeedaan, taasina waxay keentay in labo ka mid ah wasiir ku xigeenada la magacaabay ay is casilaan.

Sidoo kale mudanayaasha Baarlamaanka ayaa qaarkood waxay ku doodayaan in xukuumadaan aanan lagu aamini karin dalka dhamaantoodna masuuliyiinta lamagacaabay aysan u qalmin xilalka.

Qaar ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa qaba in Raysal Wasaaraha iyo Madaxwaynaha ay talada ka wareertay kadib markii ay la kulmeen cabasho badan oo kaga yimaaday dhanka beelaha iyo waliba Xildhibaano badan oo xilal wasiir loo balan qaaday markii la ridayay xukuumadii saacid, iyo waliba dad badan oo Madaxwaynaha ay isku fulayo ahaayeen oo ayaguna xil doon ahaa.

Inta badan wasiirada lamagacaabay ayaa la aaminsanyahay inay yihiin kuwo aanan lagu soo xulin aqoon iyo karti laakiin lagu soo xulay qancinta beelaha iyo qancinta shaqsiyaad gaar ah.

Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha ayaa haatan ka fikiraya sidii xukuumadaan loo mootin lahaa Baarlamaanka Soomaaliya oo haatanba gasha ka sii baxsanaya midiyihii ay kala hor iamaan lahaayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com