Muqdisho (AGGM): Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoominayay Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha gobolka Baanadir mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ay wehliyeen ku xigeenadiisa,a ayaa waxaa looga hadlay sii adkeynta Amniga caasimadda.
Majmaca Culimada Soomaaliyed ayaa waxaa dhankooda hogaaminaayay Sh Bashiir Axmed Salaad, waxeyna soo dhaweyeen kulanka wada tashiga ee maamulka Gobolka Banaadir ay la qaaten, iyo Barnaamijka Qorsheynta magaalada Muqdisho.
Culimada Soomaaliyed ayaa Doorweyn ka qaadan karta Amniga iyo wacyi gelinta dadweynaha xili maamulka gobolka Banaadir uu wado dadaalo lagu adkeynayo sugida Amniga magaalada Caasiamdda ee Muqdisho.
gaba gabadii kulankaasi ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Afhaeyenka Maamulka Gobolka Banaadir,mudane Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa waxa uu xusay in kulamada wada tashiyada horumarinta Barnaamijka Qorsheynta magaalada Muqdisho.
Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com