Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa caawa markii ugu horeysay soo frailty barnaamijka dood wadaag ee Universal TV oo Muqdisho ka socday ayaa waxaa lagu weydiiyey su’aalo badan oo ay dadweynaha qabeen.
Barnaamijka Dood Wadaag oo laga soo horumariyey habeenkii uu bixiyey oo ah arbacada ayaan la ogeyn ujeedada ka danbeysay in sidaasi la sameeyo, iyaddoo dadka siyaasada ku xeeldheer ay ku sheegeen inuu ahaa barnaamij uu madaxweynaha ugu gogol-xaarayo in baarlamaanka kalsoonida siiyaan xukuumadda cusub.
Waxaana dhici karta in barnaamijka loo soo horumariyey in arbacada ay tahay maalinta codka kalsoonida loo qaadayo xukuumada cusub, taasi oo dib dhaafeysa fariinta uu la sugi waayey habeenkaasi Madaxweynaha ee ku aadan baarlamaanka Soomaaliya.
Xukuumadda cusub ayuu ku sheegay inay tahay mid lagu dhisay wadatashi badan oo ay wadayeesheen isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana ay wasiirada u badiyeen qancinta wax uu ku sheegay qabiilada Soomaaliyeed inay iska dhex arkaan.
MA IS-CASILEYSAA HADDII XUKUUMADAN LABAAD FASHILANTO?
Su’aalaha la weydiinayey madaxweynaha oo u badnaa kuwa si gaar ah loo soo diyaariyey oo aysan ka muuqan kuwa taabanaya dhaliilaha hogaanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa madasha dooda mar kaliya badelay abwaanka weyn ee Abdi Shire Jamac, taasi oo ah in xukuumadii hore ee Saacid la riday, haddana midda uu soo dhisay oo saluug badan laga qabo haddii ay socon weyso uu diyaar u yahay inuu isaga markaasn IS-CASILO.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa uga jawaabay su’aashaasi in is-casiladiisa ay ku xiran tahay marka hore in la isweydiiyo meesha qaladka uu ka jiro ama fashilka. Haddiina uu dhankiisa noqdo uu diyaar u yahay inuu IS-CASILO. Laakiin waxaa uu sii daba dhigay in haddii xukuumada iyo golaha wasiirada ay fashilkaasi yeeshaan inay iyaga meesha ka bixi doonaan oo uusan isaga meesha ka bixi doonin.
” Xukuumadan labaad haddii fashil soo wajaho , oo fashilkaasi aan aniga leeyahay waxaan diyaar u ahay in aan IS-CASILO, maxaa yeelay wixii qalad aan leeyahay wax ku xumaadaan waan ka baxayaa meesha, laakiin haddii xukuumadda qaladkaasi iyo fashilkaasi yeelato, hadde aniga meesha kama baxaya ee cidda mas’uuliyadaasi leh ayaa ka bixi doonta meesha” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
DOOD WADAAG OO DHAMEYSTIRAN HALKAN KA DAAWO IYO JAWAABAHA MADAXWEYNE XASAN SHIIKH.
XEYNDAAB URUR AMA KOOX AYAAD KU JIRTAA EE MA QIREYSAA HADDA?
Abwaan Abdi Shire ayaa mar kale weydiiyey su’aal uu hadda ka hor ku weydiiyey London taasi oo ah inuu xeyndaab urur uu madaxweynaha ku jiro, taasi oo uu horey u beeniyey madaxweynaha. Laakiin Abdi Shire ayaa yiri: Hadda London ma joogo oo Muqdisho ayaan kula joogay lix bilood, waxaana ii cadaatay inaad koox xeyndaab ugu jirtide, Miyaad haddana inkiri doontaa?
Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa uu cadeeyey markii ugu horeysay inuu xeyndaab koox ama urur diimeed ku jiro, taasina ay tahay mid uu ku faraxsan yahay.
“Madaxweyne kaligii socda miyaa faa’iido keenaya. Waa run in koox iyo dad ii gaar ah aan leeyahay kuwaasi oo igu xeyndaaban, waxaase dadkaasi idin sheegayaa inay ii leeyihiin muhiimad weyn oo dalka iyo dadkaba faa’iido u leh.” ayuu yiri Xasan Shiikh oo intaasi ku daray:
” Aniga ma ihi madaxweynihii ugu horeeyey oo koox madaxtooyada ku heysta ee waxaan jeclaan doonaa in aan noqdo madaxweynihii ugu danbeeyey ee koox isaga u gaar ah heysta” ayuu si kaftan ku jiro uga jawaabay su’aasha uu abwaan Abdi Shire Jamac weydiiyey.
SOMALILAND GOONI ISKU TAAGEEDA KAWARAN?
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa aysan marna gorgortan ka geli doonin midnimada ummada Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in wadahadalka ay Somaliland la leeyihiin ay had iyo jeer arrintaasi ku cadeeyana.
Hase yeeshee kulamada ay la qaataan Somaliland ayuu ku tilmaamay horumar la sameeyey marka loo eego wadahadal la’aantii inta dalka uu burburkan xoogan ku jiray.
KHATUMO MAXAA KUU DIIDAY INAAD AQOONSATO IYO WASIIR AAN U QALMIN AYAAD SIISAY BEESHA HALKAASI DEGTA?
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sidoo kale waxaa uu doodan ku cadeeyey fikirkiisa ku aadan maamulka Khatumo State, isagoona sheegay inuusan diidaneyn wixii dadka isku taga oo tashta ay dowlada ula yimaadaan, waxaase uu ku xiray in dowlada iminka aysan gaarin fulinta nidaamka federaalka ah ee maamuladaasi looga shaqeynsiin lahaa.
Dhinaca kale su’aal laga keenay wasiir deegaanadaasi kasoo jeeda oo wasaarada tamarta iyo badroolka la siiyey ayuu waxaa uu sheegay inaysan wasaaradaasi aheyn mid liidata balse ay tahay mida la isugu imaan doono haddii dalka xasilo.
DAGAALKA AL-SHAAB MAXAAD U JOOJISEEN MISE WAAD KA MAARANTEEN?
” Dagaalka Al-Shabaab ma joogsan doono ilaa dalka laga xoreeyo, waxaana hortiina ka cadeynayaa inuu jiro qorshe xoogan oo dalka oo dhan looga xoreyn doono kooxda Al-Shabaab iyo nabaddiidka oo dhan. Taasi oo haddaba ay cabsideeda dareemayaan kooxda Al-Shabaab oo bilaabay inay weeraro meelaha qaar ka geystaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
BAARLAMAANKA SOOMAALIYA SIDEE U ARAGTAA ?
” Baarlamaanka Soomaaliya waxaan u arkaa mid kasoo dhalaalay ama kasoo baxay dhamaan howlihii loo xilsaaray. Waxaana jeclahay in aan ugu hambalyeeyo howlaha culus oo ay shacabka u hayaan iyo sida ay uga soo baxeen”ayuu yiri Xasan Shiikh oo haddana la weydiiyey su’aasha barnaamijkan loo qabtay oo looga soo hormariyey xilligii loogu talogalay ayaa aheyd .
MAXAAD KA DALBANEYSAA BAARLAMAANKA?
” Waxaan ka dalbanayaa inay xukuumadda hadda la soo dhisay kalsoonida siiyaan oo ay waliba fiiriyaan duruufta hadda jirta ee lagu soo dhisay. Waxaana rajeynayaa in warqadaha maanta loo qeybiyey marka ay soo akhristaan inay go’aankooda ugu hiiliyaan wixii wanaagsan oo ay dalka iyo dadka u baahan yihiin” ayuu yiri Xasan Shiikh oo baaq olole taageero raadin ah ugu dhex diray barnaamijkan baarlamaanka Soomaaliya.
TARSAN XIL UUSAN RABIN AYAAD U MAGACOWDAY, WAANA UU DIIDAY, MAXAAD SHACABKA TAAGEERSAN KU QANCINEYSAA?
Waxaa xasuusin ah mar kale in madaxweyne Xasan Shiikh uu qalday magaca saxda ah ee guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo uu ugu yeeray MAXAMED, magacaasi oo ahaa kii markii wasiir ku xigeenka loo magacaabay loo qoray, balse isaga uu idaacadaha ka sheegay in magac qalad ah loogu yeeray marka wasiir kuxigeenka loo magacaabayey.
Halkana waxaa ka cad in Madaxweyne Xasan Shiikh uu yahay qofka ka danbeeyey in Tarsan xilkaasi loo magacaabo, isagoona barnaamijkanba ku cadeeyey madaxweynaha inay sidaasi sameeyeen.
” Xilka dhaxal ma ahan ee waa meerto oo maalinba qof ayaa heynaya. Waxaan kaloo idin sheegayaa in Tarsan yahay guddoomiyayaasha gobolka Banaadir ee ugu waqtiga dheeraa ee xilkan hayey. Laakiin taasi kama dhigeyso inuu iska sii joogayo ee waa la is badelayaa. Wax badan inuu qabtay waan ogsoonahay waxaana arrintaasi darteed ugu badelnay xil ka sareeya midka uu maanta hayo, balse isaga haddii uu diiday ku qasbi doono ee wixii kale oo uu rabo ayaan la raadin doonaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
GABADHAHA MAXAA DOORKOODII LOO YAREEYEY XUKUUMADDAN?
” Waan la soconaa in sidii hore gabadhaha aysan kaalin uga helin xukuumaddan cusub balse waxaan sheegayaa in haddaba wasaarad fiican ay hayaan, sidaasi oo kalana aan qorsheyneyno qeybaha kale ee dhiman kaalimo fiican laga siin doono. Iyaddoo aan qabiil xilalkaasi danbe lagu xuli doonin oo aqoon lagu tartami doono” ayuu yiri Xasan Shiikh Maxamuud.
SAFAARADAHA AAD SIISEEN DHULKA XEEBAHA EE MUQDISHO, MAXAY TAHAY SABABTAASI ?
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in ujeedka uu yahay in safaaradahan dalka lagu soo wada dhameeyo si muuqaal nabadeed iyo dowladnimo ummadaha dunida loo tuso. Waxaase uu intaasi raaciyey in dhulka la siiyey inuusan noqon doonin kuwa abadiyan ah oo ay KMG tahay un.
XAFIIS GAAR U AH DADWEYNAHA AYAAN FURAYAA.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay inuu dhawaan furi doono xafiisk u gaar ah dadweynaha isaga u baahan ee talo ama wax weydiin ugu socda kuwaasi oo sida ay barnaamijkan lagu sheegay dhib badan ku qaba u gudbinta fikirkooda madaxweynaha Soomaaliya.
Ugu danbeyntii madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa barnaamijkan ku ballanqaaday inuu had iyo jeer dadweynaha ku hor’imaan doono oo dhageysan doono wixii fikrado ah oo ay is dhaafsanayaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com