Gaalkacyo (AGGM): Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Galmudug ayaa sheegtay in ay digniin u jeedinayso hay’adaha aan dowliga ahayn ee maxalliga ah ee ka shaqeeya dhinaca caafimaadka ee deegaannada Galmudug.
Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Galmudug Cumar Cabdi Maxamed ayaa sheegay in hay’adaha NGO-yadu ogaal la’aan ay ku qabtaan shaqooyinka caafimaadka, taas oo sheegay in ay keeni karto dhibaato ka dhalata dhinaca caafimaadka bulshada.
Waxa uu tilmaamay in ay go’aan adag ka qaadan doonaan hay’addii isku dayda in ay jebiso amarka wasaaradda caafimaadka.
Dhanka kale waxa uu agaasimuhu sheegay in wasaaradda caafimaadka ee maamulku ay is beddel weyn ka sameysay deegaannada Galmudug.
Waxa uu xusay in wasaaraddu ay adeegyada caafimaadka gaarsiisay deegaannada oo dhan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com