Dhageyso+Daawo: Golaha Wasiirada Oo La Dhaariyay Iyo Ra’iisul Wasaaraha Oo La Dardaarmay.

0

Muqdisho, January 22,2014—-Golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la dhaariyay, waxaana munaasabadda dhaarinta goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuukumada Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana shir guddoominayay kalfadhigan oo ugu dambeeyey Golaha Baarlamaanka oo galay fasax hal bil ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Golaha Wasiirada ayaa lagu dhaariyay Kitaabka Qur’aanka sida caadada ahba, waxaana lagu hor dhaariyay golaha Baarlamaanka iyo sidoo kale madaxda Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dhaarta kadib, hadal ka jeediyay kulanka, isaga oo uga mahadceliyay golaha Baarlamaanka talaabooyinkooda xil kasnimada leh, wuxuuna ku tilmaamay go’aankoodii shalay ay ku meel mariyeen dhismaha xukuumada mid taariikhi ah.

“Sharaf ayay ii tahay inaan markii saddexaad idin hor imaado, waxaana jeclahay inaan idiinkaga mahadceliyo go’aankiinii taariikhiga ahaa ee aad shalay ku ogolaateen xubnaha golaheyga Wasiirada, waxaana laga bilaabo saacadan la joogo idiin balan qaadeynaa inaan u howlgali doono dhaqangelinta qorshe howleedka xukuumada iyo gudashada waajibaadkeena Dastuuriga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo intaasi ku daray.

“Golaha Wasiirada waxaan hortiina ka farayaa in xubin kasta oo golaha Wasiirada inuu wada shaqeyn dhow la yeesho guddiyada Baarlamaanka ee ay wada shaqeyntu ka dhaxeyso, waana inaad tixgelisaan talooyinkooda iyo aragtidooda”.

Gabagabadiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in golaha Wasiirada laga sugayo howl culus oo mudnaanteeda leh, wuxuuna si gaar ah u xusay in shacabka Soomaaliyeed ay qabaan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horeyso qaxootiga gudaha iyo dibaddaba daadsan ee aanan heysan Hoy iyo Hu’, sidaasi darteedna laga shaqeeyo har iyo habeenba sidii dadkaasi ay u heli lahaayeen caawimaad dawladeed iyo mida beesha caalamkaba.

IMG_2071 IMG_2151 IMG_2097 IMG_2055 IMG_2139 IMG_2121 IMG_2095 IMG_2091

IMG_2113

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com