Nairobi (AGGM): Booliiska guud ahaan ee dalka Kenya ayaa heegan la galiyay ka dib markii la helay warar sheegaya in kooxda Al Shabab ay qorshaynayaan weeraro ay ka fuliyaan Nairobi iyo gobolka xeebta .
Goobaha muhimka ah ee dowladda iyo dhismooyiinka kale ee caanka ah ayaa gaar ahaan amaankood si aad ah loo adkeeayy .
Warqad loo qeeybiyay dhammaan golaha Wasiirada Kenya oo uu soo saaray xoghayaha golaha wasiirada Francis Kimemia ayaa lagu sheegay in warar sirdoon oo la helay ay sabab u tahay tillaabada ah in la xoojiyo guud ahaan ammaanka dalka .
Warqada uu soo saaray Kimemiya ayaa ku amraysa dhammaan Madaxda laamaha ammanka in la xoojiyo ammaanka .
Ammaanka xudduudada dalka Kenya ayaa sidoo kale la xoojiyay ayada oo ciidamada isugu jira kuwa la dagaalanka argagixisada iyo laamaha kalaba heegan la galiyay .
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com