Wadanka Jarmalka oo lagu Xukumay Horjooge Al-shabaab ah

0

Frankfurt (AGGM):Maxkamada ku taala magaaladda Frankfurt ee dalka Jarmalka ayaa xukun 7 sanno oo xarig ah ku riday nin asal ahaan u dhashay dalka Turkiga hase ahaatee haysta dhalada wadanka Jarmalka oo lagu eedeeyay inuu ka bar bar dagaalamay Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan iyo ururka Taliban qeybta ka dagaalanta dalka Pakistan.

Dacwad oo gayaasha ayaa ku eedeeyay Emrah Erdogan, oo 25 sanno jir ah inuu ka qeyb qaatay dhaq dhaqaaqo ay caalamka ka sameeyeen ururo loogu yeeray inay argagixiso yihiin  gaar ahaan Al-Shabab iyo Taliban.

Dacwad oogayaasha maxkamada ayaa ninkaan uu mar Soomaaliya yimid bishii February sanadkii 2011,dii oo uu tababar ku qaatay xero ay Al-Shabab ku leeyihiin gudaha Soomaaliya kana qeyb qaatay dagaal ay Shabab Soomaaliya kula galeen ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ee caawiya dawlada.

Sanad kadib ayuu Emrah Erdogan, ka tagay ka Soomaaliya waxaana lagu qabtay  dalka Tanzania halkasoo Jarmalka looga sii duuliyay.

Sidoo kale eedeysanahaan ayaa lagu oogay inuu mar ku hajabay inuu weerari doono aqalka baarlamaanku ku shiro ee magaalada Berlin ku yaala.

Intii uu ka dagaalamayay dalka Pakistan gaar ahaan gobolka Waqziristan walaalkii ka yaraa ayuu ku qasbay inuu ku biro ururka Taliban hase ahaa waxaa duqeyn ku dilay diyaaradaha Maraykanka ee meelaha fog fog laga hago xilli uu isku diyaarinayay inuuu is qarxin saameeyo.

Dhawr jeer oo hore ayaa maxkamado dunnida ku yaala lagu dhagaystay dacwado loo haystay ajaanib Shabab ka bar bar dagaalamay

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com