Dhageyso:Xildhibaan Afaraale”Axmed Madoobe Hala soo Xiro Waa Danbiile”Wareeysi Xiiso Badan.

0

Muqdisho(AGGM): ayadoo Shalay Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho,gaar ahan Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka ayaa waxaa ay oga hadleen Xaalada Gobolada Jubooyinka.

Xildhibaan Max’ed Xuseen Isaaq Afaraale oo Wareeysi siiyey Allgalgaduud ayaa sheegay in Caleemo Saarkii Axmed Madoobe uu ahaa Mid qaldan islamarkaana aysan jirin meel loo Caleemo saaro.

Xildhibaan Afaraale ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu yahay danbile islamarkaana uu ka baxay Heshiiskii lagu gaaray Magaalada Adduis ababa ee Dalka Ethiopia oo uu jabiyey.

Waxaa uu ku baaway in Axmed Madobe la soo Xiro Maxkamadna la soo taago,maadaama aan la ogeen Meel uu Shabaab iyo Xisbul islaam oga baxay uuna yahay Danbiile Dalka Dumiyey.

Halkaan Hoose ka Dhageeyso Wareeysiga Xildhibaan afaraale

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com