BaladXaawo (AGGM): Taliska saldhigga degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay dil xalay fiidkii degmada loogu gaystay laba nin oo dhallinyaro ahaa oo ka tirsanaa dadka deegaanka.
Taliyaha saldhigga degmada Beled Xaawo Cabdi Buule Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dilka ay gaysteen labo nin oo ku hubaysnaa AK-47.
Dilka dhallinyarada ayuu ku eedeeyay Al-Shabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com