Garoowe (AGGM): Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo uu dhowaan madaxweyne u doortay baarlamaanka Puntland ayaa maanta lugu caleemo-saray Garoowe.
Madaxweynaha Puntland oo xafladdii caleemo-sarka ka hadlay sheegay in muddada uu joogo xafiiska uu ku dedaalayo sidii uu ku horumarin lahaa Puntland.
Gaas ayaa u mahadceliyey hoggaankii ka horreeyey ee maamulka, dadweynaha Puntaland iyo marti-sharafta ka qaybgashay caleemo-saarkiisa.
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa 8-dii bishan January Garoowe loogu doortay madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com