Nairobi (AGGM): Digniin Culus oo laga soo saaray Muwaadiniinta Shisheeyay ee kudhaqan Dalka Kenya iyo hay’adaha in ay ka fogadaan goobaha qaar ay kuyaalo Gudaha Dalka Kenya kuwaasi oga imaan kara qatar xoogan.
Gudiga sare ee Britain, gudiga badbaadada caalamiga iyo hay’ado kale ayaa oga digay Muwaadiniinta ajaaniibta ee ku sugan Kenya waxaana ay sheegeyn in Falaagada Al Shabab ka geysan karaan qaraxyo iyo weeraro.
War qoraal ah oo kasoo baxay Gudiga sare ee Britain ayaa sheegay in falaagada Al Shabaab weeraro gaadmo ah ka fulin karto safaaradaha iyo goobaha muhiimka kenya waxaana ay shegeyn in taasi qatar oga imaan karta.
Qaata talaabooyin dheeraad ah oo ku aadan taxadarka amaanka, haddii aad ku safreysaan meelo kamid ah halkaasi, waxaa laga baqayaa, hotelada, baararka, maqaayadaha, kalaabyada, Supermarket-yada, gaadiidka, xarumaha dukaameysiga, xeebaha iyo meelaha kale”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hayada sare ee dalka England.
Weerarkii Westagte ee sanadkii lasoo dhaafay, wasaarada arimaha dibada ee Britain ayaa sheegtay in lix muwaadin oo dalkaasi u dhashay ay kamid ahaayeen dadkii weerarkaasi ku dhintay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com