Caabudwaaq (AGGM): Deegaanno ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka jareen khadka Internet-ka ee ay shirkadaha isgaarsiintu bixiyaan.
Qaar ka tirsan howlwadeennada shirkadda Hormuud ee gobolka Galgaduud oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in khadka Internet-ka laga jaray degmooyinka Ceel-Buur iyo Ceel-Dheer iyo deegaanno ay ka mid yihiin Ceel-Garas, Ceel-lahelay, Gal-Hareeri iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobalka Galgaduud.
Waxay kaloo sheegeen in maleeshiyadu ay khadka Internet-ka ka jartay degmada Xara-dheere iyo deegaanno kale oo hoos taga oo ka tirsan gobolka Mudug.
Qaar ka mid ah dadka ku nool goobaha laga jaray Internet-ka oo aan la xiriirnayay ayaa sheegay in aanu jirin wax adeeg Internet ah oo u shaqeynayo.
Dhowaan ayaa qeybo ka tirsan gobolka Hiiraan waxa ay kooxdu ka jartay adeegga Internet-ka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com