Balcad(AGGM): Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Dhexe gaar ahaa Degmada Balcad ayaa eedeen u jeediyey Gudoomiyaha Degmada Balcad Cismaan Xaadoole taas oo ku aadan in uu dhibaato ku hayo Dadka ku nool Degmada Balcad ee Gobolka shabellaha Dhexe.
Nabadoon Cumar Bacaloow oo kamid ah Odayaasha Degmada Balcad oo Muqdisho kulan ku qabtay ayaa sheegay in Gudoomiyaha Balcad uu Barakicin ku haayo Dadka Shacabka ah ee Degmadaasi ku nool.
Halkaan Hoose ka dhageeyso Nabadoon Cumar Bacaloow
Sidoo kale Nabadoon Cali Ciise ayaa sana Sheegay in ay Dowladda uu ka codsanayo in arimahaasi ay wax ka qabtaan islamarkaana waxaa uu tilmaamay in Macalimiintii Dugsiyada Qur’aanka Kariimka wax ka bara Degmada balcad in uu Gudoomiyaha uu ku amray in aysan imaan karin.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com