Oktobar 1969, waxay ahayd markii dalka soomaaliya ay la wareegeen ciidamadii qalabka siday ee soomaaliyeed, oo uu hogaaminayay Allaha u naxariistee; General Maxamed siyaad barre, waxaa si deg deg ah u dhacay hurumar dhinacyo badan leh sida; Arrimaha siyaasadda , Dhaqaalaha,
Bulshada,Waxbarashada, waxaa intaas sii dheer hirgalintii qorista iyo akhrinta Afka soomaaliga. Waxaan taariikhdu iloobayn horumarkii dhinaca Warshadaha iyadoo wakhtigaas dalku lahaa in ka badan 50 (konton) warshadood oo soo saara waxyaabo kala duwan, sidoo kale Waxbarashadu waxay ahayd lacag la’aan ilaa heer jaamacadeed, Caafimaadku wuxuu gaaray meel sare, ummadda soomaaliyeed waxay ku naaloonaysay Nabad, Horumar iyo Barwaaqo.
Dalku wuxuu ahaa mid ilaalsan Cirka, Dhulka iyo Badda-ba. Waxaa jiray kala dambayn dhinac kasta ah sida Darajada,Aqoonta, Mas’uuliyadda iyo waayo aragnimada oo runtii laysku tixgalin jiray. Waxaa kala soocnaa oo lakala yaqaanay shacab iyo xukuumad, askar iyo shacab, aqoon-yahan iyo aqoon-laawe, waxaa dadka soomaalida ah u kala baxsanaa Col iyo Nabad, Nolol iyo Geeri Cadow iyo Saaxiib, Wadani iyo Qaai’nu-wadan, Xalaasha iyo Xaaraanta.
Markii ay meesha ka baxday dawladdii dhexe ee soomaaliya waxaa isku meel fariistay oo isku mastawe noqday inta aan kor ku xusay. Waayadii wanaagsaa ee soomaaliya ay ahayd awoodaha Afrika kuwooda magaca iyo maamuuska ku leh aduunka, askarigu wuxuu ahaa mid lagu daydo aqoontiisa, asluubtiisa, labiskiisa, nadaafadiisa iyo hab dhaqankiisa guud ahaan. Askariga hadda jooga koley anigu ma sharxikaro balse qof walbow indhahaaga ayaa kuu macalin ah.
Waayadii burburka; dalka oo kaliya ma burburin ee waxaa sidoo kale burburay maskaxdii sida fiican u fakari lahayd, taas waxaan is leeyahay waxaa qayb ahaan mas’uuliyadeeda iska leh jab-hadihii hubaysnaa ee qabiilka ku dhisnaa oo dhamaantood ka midaysnaa inay mar arkaan Maxamed siyaad barre oo FILLA SOOMAALIYA ka baxay balse aan markii hore qorshe iyo ujeeddo kale aan lahayn ama aan ka fakarin, waxaa taas markhaati ka ah wixii dhacay.
Waxaad moodaa in meeshii ama booskii jab-haduhu baneeyeen ay maamul goboleedyadu buuxiyeen, ufiirso markaad rabto inaad fahanto ama ogaato siday u dhisnaayeen jab-hadihii wadanka bur-buriyey ee qabiilka ku dhisnaa waxaad si dhaqso ah u fahmaysaa in maamul goboleedyaduna yihiin kuwo ku dhisan qabiil iyo jifooyin hoosaad mid waliba ay oodatay (degtay), xero yar oo u eg midda Ariga ama waxaraha. Hadaad rabto inaad figradayda taageerto waxaa daliil kuugu filan waxaad soo qaadataa buug iyo qalin oo waxaad qortaa misana tirisaa inta nin ee qurbaha jooga ama gudaha jooga oo madaxweyne sheegtay!!!
Waxaan aad u qiirooday oo aan yaabay oo waliba marna cirka eegay marna dhulka eegay markaan arkay dadkii soomaaliyeed ee qurbaha ku noolaa oo habeen iyo maalin ka buuxa hoolalka shirarka lagu qabsado oo u sacbinaya ama u heesaya nin iyaga lajooga oo ay waa madaxwayne leeyihiin kaaga darane waxay u qaadayaan SOOMAALIYEEY TOOSOOY!!!
Majiro maamul goboleed soomaaliyeed oo xor ah mid aanan la maamulin ama aan gacanta lagu hayn majiro, mid kastana wuxuu ku qanacsan yahay inuu xeradiisa yar ee mida ariga u eg inuu kula shirkoobo cid kasta oo u difaacaysa; muslin iyo gaal, jinni iyo jaan. Maahmaah soomaaliyeed ayaa oranaysa waxaad la tashato iyo wax kuu taliyaba waa habaar ma dhaafo waa run. Haddii aad aragto mid ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo hadlaya oo aad dhuuxdo si fiicanna aad u dhagaysato hadalkiisa waxaa kuu muuqanaya sida uu u qab-jabay waxaan ka wadaa wuxuu iloobay sida qof walba oo soomali ahba uu u iloobay qaranimadii, sharafkii quruxdii iyo qaayihii ay lahayd midnimadii iyo wadajirkii soomaaliyeed. Markaa ayuu wuxuu ku xiiqay oo uu ku celcelinayaa hadalo ka tarjumaya daciifnimo, iyo difaacid xeradiisii yarayd ee midda Ariga u ekayd sida inuu yiraahdo waxaa nooyimd wakiilka …fulaan iyo fulaan…. Waxaa naloo balanqaaday waxyaabo badan ……. .
Su’aashu waxay tahay hortaada fiiri oo maxaad aragtaa ama fahantay ?
Anigu waxaan arkaa maamul goboleedyada soomaaliyeed oo ay dhisteen waddamo shisheeye mid walibana uu ku shaqaynayo rabitaanka wadamadaas inay sii fogaynayaan wixii loo yaqaanay soomali-weyn,(great Somalia). Iyo waliba inay isku qabsandoonaan soohdimaha qabiilka halkaasina uu ka bilowdo wax u eg dagaaladii sokeeye ee qabiilka ku dhisnaa, waana sida ay rabaan amaba ay ugu talagaleen wadamadii soo dhistay maamuladaas.
Adiga sidee baad u aragtaa?
Mahadsanid.
C/XAFIID SACDI JAAMAC
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com