Top News: Magaalada Caabudwaaq Oo Uu Ka Furmay Kulan Ku Saabsan Adkaynta Nabad-gelyada Iyo Dib U Heshiisiinta.

0

Caabudwaaq (AGGM): Kulan looga hadlayo adkaynta nabadgel-yada iyo dib u heshiisiinta ayaa maanta ka furmay gudaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiya degmada Caabudwaaq, Axmed Jaamac Dhirif ayaa Warbaahinta u sheegay in kulanka ay ka qeyb-galayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq, qorshuhuna yahay in la soo afjaro waxyaabaha ay kala tabanaayaan dadka deegaannada degmada ka hor February 5.

Dhinaca kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in wafdi ka socda degmada Caabudwaaq uu maanta u ambabaxay magaalada Muqdisho.

Wafdiga oo ay hoggaaminayaan guddoomiye ku xigeenka degmada, Cabdirisaaq Cali Jaamac iyo madaxa arrimaha bulshada ee degmada , Khaliif Cabdisamad Cali ayaa dowladda dhexe kala hadli doona sidii ay kaalinteeda uga qaadan laheyd horumarinta adeegyada bulshada degmada.

Isku soo wada duuboo Axmed Dhirif ayaa tilmaamay in muddada wafdigu joogo Muqdisho uu la kulmi doono siyaasiyiin, ganacsato, odayaal dhaqameed iyo aqoonyahanno ka soo jeeda degmada, kuwaas oo ay kala arrinsan doonaan mustaqbalka degmada Caabudwaaq.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com