UNHCR oo ka deeyrisay amaanka Gobolo ka mid ah Soomaalia

0

Hay’adda Q,M u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay inaan  la joojin qaxootiga Soomaaliyeed ee ka cararaya wadanka Soomaaliya.

Warbixinta UNHCR oo aad u dheer ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la qaado tilaabo lagu soo dhaweynayo dadka ka cararaya bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ee ka gudbaya xaduudaha wadamada Soomaaliya dariska la ah sababtoo amaanka qeybo ka mid ah dalka ayaa sii xumaanaya sida hay’addu ku doodayso.

Afhayeenka UNHCR Fatoumata Lejeune-Kaba oo saxaafadda kula hadashay magaalada Geneva ayaa waxay sheegtay in inkastoo amaanka qeybo ka mid ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya uu soo hagaagayo haddana ay mararka qaar dhacaan tacadiyo bini’aadanimo taasoo keentay in sanadkii naga dhamaaday ee 2013 ay dalka ka cararaan 42,000 oo ruux sidaasoo ay tahayna waxaa ay leedahay waxaa la joogaa waqtigii la joojin lahaa qul qulka Soomaalida dalkooda ka qaxaya.

Sidoo kale haweeneydaan afhayeenka ah waxaa ay hadalkeeda kusoo qaaday inay lagama maarmaan tahay inaan awood loo adeegsan dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed eek u jira xeryaha qaxootiga dalka Kenya.

“Waxaan weydiisanaynaa beesha caalamka inaan qaxootiga Soomaaliyeed lagu qasbin inay dalkooda dib ugu laabtaan madaama ay willi cabsiyi jirto” ayay tiri  Fatoumata Lejeune-Kaba oo Geneva wariyaasha kula hadashay.

Mar ay ka hadlaysay in degaano ku yaala bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ay sanadkii hore dhibaato kusoo gaartay dad rayid ah oo ku waxyeeloobay dagaal dhex maray ciidamada dawlada oo garab ka helaya ciidamada AMISOM iyo kuwa Xarakadda Al-Shabab.

Xataa magaaladda Muqdisho oo ay dawlada Soomaaliya si  buuxda u maamusho ayay hay’addu sheegtay in Al-Shabab ay awood u leeyihiin inay weeraro dhiig ku daato ka fuliyaan.

Hay’adda UNHCR waxay ku doodaysaa ugu dambeyn in intii u dhaxaysay bilihii January iyo November ee sanadkii hore ay dalka Soomaaliya ka qaxeen dad tiradooda lagu qiyaasay 21,520 ruux kuwaasoo gaaray wadamada Soomaaliya dariska la ah.

Soomaalida oo qaxayay tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe tirada Soomaalida ah ee dunnida qaxootiga ah ay gaarayaan 1.136 million oo ruux