Muqdisho(AGG): Qaar ka mid ah haweenka Ciidanka XDS ku jiray oo ka mid noqday haweenkii dhawaan laga Saaray Ciidanka ayaa Maanta Waxaa ay isku soo bax ka dhigeen Iridka Madaxtooyada Somalia Iyagoo ka Cabanaya in Sabab la.aan Taliska Ciidanku ku Amray in ay Xeryaha Ciidanka ka Baxaan oo aysan ka Mid ahayn hada Ka dib Ciidanka Qalabka Sida.
Qaar ka mid ah Haweenka ayaa waxaa ay soo bandhigeen Cabasho ay ka muujinayeen Taliyaha Ciidanka XD Gen Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe oo ay sheegeen in uu ku sameeyay Xadgudub iyo Aflagaado sida ay hadalka u dhigeen Waxaa ay soo bandhigeen haweenku Dhaawacyo ka soo gaaray Dagaalka Dowladdu kula Jirto Al Shabaab Waxaana ay Wateen maanta Dareeska Ciidanka XDS.
Taliska Milatariga Somalia ayaa dhawaan waxaa uu sheegay in Ciidanka Milatariga Qaar laga saaray Ciidanka Sababo la Xiriira In aysan Gudan Karin Howsha Ciidanimo Amarkaasna uu ka soo baxay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ahna Taliyaha Guud Ee Ciidanka Qalabka Sida xasan Sheikh Maxamuud Waxaana ay ka Codsadeen Haweenkani Madaxweynaha iyo Baarlamaanka in Iyadoo la Tixgalinayo Codsiga ay soo Gudbiyeen Ee ah in loo cadeeyo Sababta Ciidanka looga Saaray ay Jawaab Deg Deg ah ka siiyaan Codsigooda waxaana ay qayb ka Noqonayaan 2.800 oo askar laga Saaray Ciidanimada.