Caabudwaaq (AGGM): Maamulka Cusub ee Dagmada Cabudwaaq ayaa waxaay marki ugu horaysay ka hadleen Xaalada guud ee Wadanka Somalia iyo qadistii Cunaqabateynt hubka ee Wadanka Somalia laga qaday.
Madaxa Maaliyada iyo Maareynta ee Maamulka Cusub ee Dagmada Cabudwaaq Dr Cabdiqafaar Aadan Maxamed ayaa ugu horeyn waxaa uu si weyn u soo dhaweyay Socdaalki Raisalwasaaraha Somalia uu ku yimid Gobolka Galgaduud.
“Socdaalki rasmiga ahaa ee uu Raisalwasaare Saacid Gobolka ku yimid waxaa uu ahaa mid waxtar weyn u yeeshay Gobolka waxaana uu meesha ka saray isqabqabsi sanoyin soo jiray oo ka jira inta badan Dagmoyinka Gobolka ayu yiri Dr Cabdiqafaar”
Masulkaan ayaa waxaa uu sido kale ka hadlay Qaadista Cunaqabateynta Hubka ee Somalia sarnayd inka badan 20 sano waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhawaynayaan go,anki Qaramada Midobay ay ku qatay Cunaqabateynta hubka Somalia.
” Wadan aan difaacan karin Qaranimadiisa ma ahaan wadan jira qaadista Cunaqabataynta Somalia na waxaay soo celinaysa sharafki iyo qaramaadi Ciidamada Xogga Dalka Somalia ay ku lahayeen Qaarada Afrika mana filaayo in hubka Ciidamada xogga Somalia lagu bar tilmaameedsan doono dad gooni ah sida aan Idacadaha ka maqlayay Maalmihii ugu danbeya ayu yiri Dr Cabdiqafaar”
Dr Cabdiqafar Adan ayaa waxaa uu sido kale ka hadlay Baaqyo qaar ka mid ah Shacabka Somaliyeed ka soo baxayay kuwaas oo Raisalwasaare Saacid ugu baqayay in uu wadanka ka soo baxo oo socdaalo ka bilaabo Qaradaha Adunka Masulkaan ayaa waxaa uu sheegay in 10 safar oo uu Raisalwasaare Saacid dibada ku adoo in u ka qimo badnaa safarki 60 ka saac qatay ee uu Raisalwasaaraha ku maray Gobolka Galgaduud.
Safarka Galgaduud uu Raisalwasaaraha ku maray waxaa uu Dowlada Somalia hoos keenay Labo maamul oo misaan ku leh Gobolada dhexe ee Somalia waxaa uu Maamulo u dhisay Dagmoyinka Gobolka Galgaduud waxa uu diyaariyay qorshe Maamuladaasi 6 bilood ka dib ay ku samaysan karaan Maamul Goboleed ay u dhan yihiin arimahaas oo dhan saraakil Ajaniib ah oo lala shiro may dhameeyeen.
Waxa la rabo in la dajiyo oo dib u heshisiin loo sameeyo waa Somalia waxaa la rabo in ay Dowlada Taageeraan wa Somalida ku nool Gobolada kala duwan ee Somalia waxaa kalsonida ugu badan laga rabo waa Shacabka Somaliyeed reer Yurup ayaa i taageray kalsonida Shacabka Galgaduud laguma heli lahayn hadan lo imaan oo aan lala fadhisan marka ka maamul ahaan waxaan qabnaa in Raisalwasaaraha Somalia in uu ku saxan yahay sida uu awooda u saray xal u helida arimaha gudaha Somalia. ayu yiri Dr Cabdiqafaar.
Ugu danbeyn Masulkaan ayaa waxaa uu ugu baqay qaybaha kala duwan ee Somalia in ay si hagar la,aan ah u garab istagaan Dowlada Fadaralka Somalia oo uu ku sheegay in ay tahay mida kaliyah ee soo celin karta Sharaafki Ummada Somaliyeed.
——————————-
Maxamed Cabd Jamac
Cabudwaaq-Somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com