BaledXaawo (AGGM): Howlgal balaaran oo ay sameeyeen ciidamada amniga degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa lagu soo qabtay dad aad u tira badan.
Howlgalkan lagu sugayo amniga ayaa yimid kadib qarax miino oo shaley ka dhacay suuqa xoolaha ee degmada Baled Xaawo kaas oo ay ku dhinteen sadex qof lix kalena ay ku dhaawacmeen.
Taliyaha amniga ee degmada Beled-xaawo Maxamed Weli Yuusuf Qorax ayaa Warbaahinta u sheegey in ay soo qabteen 20 qof oo dhalinyaro u badan oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin falkii shaley dhacay.
Qorax ayaa intaas ku daray in baaritaanno lagu wado dadka xiran cidii lagu cadeeyana in ay falkaas ka danbaysay la marin doono ciqaab.
Taliyaha ayaa ku eedeeyay ururka Al-shabaab inay ka dambeeyeen qaraxa.
Al-shabaab ayaan iyagu sheegan masuuliyadda qaraxii shalay ka dhacay Beled-xaawo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com