Uganda oo Ciidamo dheeraad ah u soo Diratay Somalia

0

Kambaala(AGGM): Dawlada Uganda ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya u soo dirtay 1,600 o askari oo dheeraad ah kuwaasoo loogu talo galay in lagu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan.

Ciidamadaan oo illaa shalay soo gaarayay magaalada Muqdisho ayaa ku biiri doona qeybta koowaad ee ay ka howlgalaan ciidamada wadamada Uganda iyo Burundi ujeedkana waxaa ay dawlada Uganda ku sheegtay inuu yahay xoojinta cududa ciidamadeeda Soomaaliya jooga.

Paddy Ankunda afhayeenka militryga Uganda oo taleefoonka kula hadlay wakaaladda wararka Shinwaa ee Shiinaha wararka u faafisa ayaa sheegay in ciidamadaan oo toradoodu gaarayso (1,600 Kun iyo Lix boqol) oo askari ay ka howl gali doonaan gobolada ay hadda joogaan ciidamada dalalka Uganda iyo Burundi ee ay Al-Shabab kula dagaalamaan si gaar ah waxaa uu u sheegay inay tagi doonaan magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho, Jowhar Marka iyo Baydhabo.

“Waxay ka qeyb qaadaan doonaan sugida amaanka goobaha Al-Shabab laga xoreeyo waana ciidamo xoojin ah” ayuu yiri Paddy Ankunda.

Dawlada Uganda oo ah dawladii ugu horeysay ee ciidamo AMISOM ka tirsan Soomaaliya usoo dirtay sanadkii 2007 hadda waxaa la aaminsanyahay inay Soomaaliya ka joogaan ku dhawaad 8,000 oo askari.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com