Muqdisho(AGGM)): Wafi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Cali Gaas ayaa Goor dhaw soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey Raisul wasaaraha Soomaaliaya C/wali Sh Axmed iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya.
Waxaana Xubnaha Wadfiga loo soo galbiyey Xaruunta Madaxtooyada Soomaaliya ,ayadoona sidoo kale hada kulamo gooni gooni ah lale Madaxda Dalka Soomaaliya.
Cabdi Wali Cali gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka ay u yimadeen ay tahay in ay ka qeyb qaataan Aaska Raisul wasaarihii hore ee Soomaalia C/risaaq Xaaji Xuseen oo Bari lagu wado in lagu Aaso Magaalada Muqdisho.
Halkaan Hoose ka dhageeyso Codka Soo dhaweynta
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com