Muqdisho (AGGM): Sheekh Caan ahaa islamarkaasna Qaraabo dhow la ahaa wasiirkii hore ee Gaashaandhiga, C/xakiin Fiqi, ayaa xalay kooxo hubeysan ku dileen xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir.
Sheekha la diley oo lagu magacaabi jirey C/xamiid Sheekh C/baarri Fiqi, waxaa la sheegay inay qaraabo dhow ahaayeen wasiirkii hore ee gaashaan-dhigga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi.
Rag hubeysan oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoosan ayaa la sheegay in ay sheekha ku toogteen meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir.
Dilka wadaadkaan, ayaa imaanaya xili Amaanka magaalada Muqdisho uu u muuqanayo mid sii xumaanaya.
Laamaha Amaanka DFS ayaan ilaa iyo hada ku guuleysan sugida Amaanka magaalada iyo shacabka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com