Muqdisho(AGGM): Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la sheegay in Shaqadii laga eryey ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhigay Banaanbaxy Xoogan oo ay Oga Cabanayaan Ujeedka Shaqada looga Eryey.
Ciidamada oo gaaray 300 oo Askari ayaa isku soo baxay Wadad Maka Al-mukaramma ee Magaalada Muqdisho ayagona ku Hor banaanbaya Xaruunta Oto oto ee Ku taala Agagaarka Beerta Daraawiishata Ama siyidka.
Qaar kamid ah Ciidamada Banaanbaxa dhigaya ayaa sheegay in Ciidamada Ujeedka ay u banaabaxayaan at tahay in ay Aqoodii Helaan,waxaana ay intaa ku dareen in Taliyaha Ciidamada XGS uu ka danbeyo Ciidamada in Shaqada laga Eryo.
Halkaan Hoose ka dhageeyso Banaabaxa Ciidamada
Dhanka Kale Ciidamada Naafada ee ku jira Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ayaa Banaabax la mid ah Midkaasi dhigay,waxaana ay diideen in la galo Irida xaruunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Ciidamada Naafada ayaa ka Cabanaya in Raashinkii iyo Lacagihii ay Qaadan jireen laga gooyey oo hada ay Xaalada Adag ay Heysato.