Muqdisho(AGGM): Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka waxaa Maalmahaan ay dadweynaha ay Hadal hayeen in Shirkada Hormuud hadii ay joojisay Adeegii Internetka Taleefanada Gacanta ay joojineyso Adeega EVC Pluska.
Madaxa Shirkada Hurmuud u qaabilsan Suuqgeeynta Cali Sh Yaasiin Cali Fadhaa ayaa sheegay in aysan shirkada Joojineyn Adeegaas islamarkaana uu yahay Hadalkaasi Been Abuur.
Shirkada Hormuud ayaa waxaa ay hore u jareen Adeegii SAAD iyo Internetka Taleefanada Gacanta ee Gobolada Dalka Soomaaliya oo dhan.
Halkaan Hoose ka dhageeyso Codka Mas’uulka Hormuud
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com