Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay safiirka dalka Serbia u qaabilsan Soomaaliya Ivan Zivkovic.
Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sida dowladda Serbia ay door weyn uga qaadan lahayd dib u dhiska, horumarinta dhaqaalaha iyo maal-geshiga Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa horey ula kulmay dhiggiisa dalka Serbia, waxayna labo jeer oo kala duwan isku arkeen magaalooyinka New York iyo Addis Ababa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com