Caabudwaaq (AGGM): Shir lagu heshiisiiyay beelo wada-dega deegaanno ka tirsan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa maanta lugu soo gabagabeeyey magaaladaasi.
Guddoomiyaha maamulka dowladda ee degmada Caabudwaaq, Axmed Jaamac Dhirif oo u warramay Warbaahinta ayaa sheegay in lugu guulaystay heshiisiinta beelo daris ah oo ay dhex-mareen dilal ku salaysan aano qabiil, lagana soo saaray qodobbo la isku raacay.
Qodobbada laga soo saaray shirka ayaa waxaa kamid ah; In la joojiyo dagaalka, in dhinacyadu kala qaataan mag, in isku dhinac laga noqdo falalka ka dhanka ah nabad-gelyada iyo kuwo kale.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dhinacyada la heshiisiiyay ay qaateen qodobbada ka soo baxay shirka.
Shirka oo soconayay toddobaad ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey maamulka gobolka Galgaduud iyo kan degmada Caabudwaaq, waxaana ka qeybgalay xildhibaanno, wasiirro, maas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, odayaal-dhaqameed iyo culimaa’uddiin.
Halkan Hoose Ka Dhagayso Khrudbadihi Laga Jeediyay Madasha.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com