Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya Magalaada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay tibaxayaan in maanta Xaalada Magaalada ay dagan tahay ka dib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo shalay laga dareemay Magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda.
Arinta Xiisada badan dhalisay ee Ciidamadi Dowlada ee ka yimid Dagmada Ceelwaaaq ee Gobolka Gedo ayaa la soo Afjaray kadib marki ay beenowday warar qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Jubboyinka ay ka xigteen Website Waamo News oo ahaa in Ciidamada Magaalada Kismaayo yimid ya yihiin Ciidamada Al-Shabaab ah .
Masuliyiinta Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo Masuliyiinta Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo ee kala ah Gen Fartaag , Gen Cali Madoobe, Sh.Aw-libaax, Col Yasiin Raader iyo Taliyaha Saldhiga Boliska ee Kismaayo Deeq Cisman Qalinle ayaa waxay Ciidamadani ka qaateen Mowqif mid ah waxa ayna Cadeeyeen in Ciidamadaani ay yihiin Ciidamadi Al-Shabaab ka sifeeyay Gobolada Jubboyinka iyo Gedo cid ka hor istaagi kartana aysan jiriin Magaaladi ay u soo halgameen.
Saraakisha Amsom ee horkacaysa Ciidamada Kenya ee ku sugan Jubboyinka iyo Gedo ayaa ayaguna fahmay been abuurka ay ku kaceen Siyaasiyinta ka soo jeeda Jubboyinka ayadoo wada hadal dhexmaray saraakisha Amisom ee Joga Ceelwaaq iyo kuwa jogaa Kismaayo lagu cadeeyay in Ciidamadani ay Kismaayo ku yimadeen badal rasmi ah oo ay ka warqaabeen Ciidamada Amisom ee ku sugan Ceelwaaq.
Saraakisha Amisom ayaa waxa ay shalay Canaan dhagaha u sareen Gudomiyaha Raskambooni oo asagu marki 4 raad meel been ah u farmuuqay Ciidamada Amisom dhacdadaan ti ka horaysay waxa ay ahayd marki Axmed Madoobe u Ciidamadi Dowladda Soomaaliya ee gadoodka sameyay bilo ka hor ku shabadeeyay Al-Shabaab balse Ciidamada Amisom ay dib ka ogaadeen in Ciidamadani yihiin kuwa Dowlada Soomaaliya.
Ciidamada Magaalada Kismaayo soo garay meeqo ayay ka kooban yihiin maxayse wataan.
Wariyaha Allgalgaduud Media ee Magaalada Kismaayo oo boqday goobta ay ku sugan yihiin Ciidamadan ayaa waxaa uu soo sheegay in Ciidamadani ay yihiin 500 oo Askari isla markaana wata 13 gadiidka Dagaalka ah iyo 2 gaari oo Xamuul ah kuwaas oo ay ku raranyihiin Hub ,Rasaas,Shidaal iyo Rashiin.
Wariyaha waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamadani Shalay loo qalay 3 neef oo geel ah islamarkaana xarunta ay ku sugan yihiin ay soo buux dhafiyeen masuliyiin ka tirsan Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo iyo qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ay Ciidamadaani horay iskula soo tababarteen wadanka Kenya .
Dhanka kale Qaar ka mid ah Ciidamada ka yimid Dagmada Ceelwaaq ayaa waxa ay soo galeen Magaalada Kismaayo ayagoo xalay gudaha Magaalada u hoyday.
Waxaa jira Website-yo Wararka ku sabsan Ciidamadaan qora ayago riyoonaya ayago sheegay in Ciidamada xoggan leh hub ka dhigis lagu sameyay islamarkana ay hada xiran yihiin qof kasta oo xaalada Kismaayo wax ka og islamarkana kaashanaya caqligiisa saliimka ah waxaa uu ogaan kara in 500 oo askari oo ku hubaysan 13 Gadiid dagaal ah Kismaayo na ku yimid badal rasmi ah oo ay ka warqabaan Amisom in aan hub ka dhigis lagu sameyn karin islamarkana usan jirin jeel ama xabsi qaada.
Ugu danbeyn shalay ayay ahayd marki xal kama danbays ah laga gaaray soo galitaanka Ciidamadan waxaana loo sheegay in ay xor u yihiin soo galitaanka Magaalada Kismaayo waxaana hada loo diyaarinayaa xeradi ay ka dagi lahayeen Magaalada Kismaayo.
——————————
Maxamed Jamac Cabdi
Kismaayo-Somalia.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com