Gurceel(AGGM):Magaalada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Xalay Gaaray Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Ethiopia,oo dhawaan ku biiray Howlgalka AMISOM.
Ciidamada oo wata Gaadiid Dagaal oo gaaraya 40 Gaari ayaa waxaa ay Fariisomo ay ka sameysteen Duleedka Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.
Gudoomiyaha Degmada Gurceel Cismaan Ciise Nuur Taar dhuleed ayaa Allgalgaduud Media u sheegay in Ciidamadaan ka socda Dowladda Ethiopia ay u yimaadeen in Qeybaha ay Al-shabaab ka Maamulaan Galgaduud ay ka Xoreeyaan.
Cismaan Taar dhuleed ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ay ku wajahan yihiin Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud islamarkaana ay Maamulaan Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab.
Waxaa uu intaa ku daray in Ciidamada DFS iyo kuwa Ahlusunna iyo Ciidamada Ethiopia ee soo gaaray Guceel ay Duulaan ku qaadi doonaan goobaha Maleeshiyada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud.
Arintaan ayaa waxaa ay Qeyb ka tahay Dagaal Xukumadda Soomaaliya ay sheegtay in Sanadkaan 2014 Dalka Soomaaliya looga saaray Maleeshiyada Al-shabaab.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com