Muqdisho(AGGM): Kooxo Hubeeysan ayaa Xalay ku dilay Xaafada SOS Degmada Hiliwaa,Dr lagu magacabi jiray Daahir Gaab oo ka Howlgali jiray Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir .
Dr. ayaa la Toogtay Salaadii Cishe ka dib xili uu ku sugnaa Hooygiisa oo ku yaala Degmada Hiliwaa,gaar ahaan Agagaarka Shaleemo Puntland.
Waxaana Falka Dilkaa geeystay Rag ku Hubeeysan Bastoolado,oo dilka ka dibna goobta ka Cararay,sida ay Allgalgaduud Media u sheegeen Dadka ku nool Degmada Hiliwaa.
Dhinaca kale Xalay ayaa waxaa ka dhacay Degmada Hiliwaa Dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS iyo Falaagada Kooxda Al-shabaab,dagaalkaasi oo soconayey mudo kooban.
Dagaalka ayaa ka dhacay Ex-contorol Balcad,isgooyska SOS ilaa Warshadii Baraafuunka,waxaana Dagaalka uu geeystay Qasaaro iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.
Inta la og yahay Dagaalka Xalay ayaa waxaa ku dhintay Labo Ruux oo midkood ay aheyd Haweeneey,halka Dhaawaca uu gaarayo ilaa iyo Saddex kale.
Gudoomiyaha Degmada Hiliwaa Cumar Jacfaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dagaalka ay soo qaadeen Maleeshiyada Al-shabaab islamarkaana Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay iska Difaaceen.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com