Caabudwaaq (AGGM); Wararka naga soo gaaraya degmada Dhabad ee Waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa sheegaya Dabley Hubaysan oo kasoo jeeda deegaanka inay dileen Marxuum Qase Xasan Guureeye oo kamid ah dadka kasoo jeeda deegaanka xiligii dilka uu dhacayayna kusii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa uu la dhashay Guddoomiyaha Saddexda gole ee Ahlusunna Sheekh Ibrahim Xasan Guureeye wuxuuna dhaawac soo gaaray ugu geeriyooday meel u dhow magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha degmada Dhabad ee dowladda Soomaaliya Mudane Aadan Gabi oo la hadlay Warbaahinta isagoo ku sugan deegaanka ayaa waxaa uu sheegay dhacdadani kooxihii ka danbeeyay inay galeen dhinaca Maamulka Galmudug walina ay ku raad joogaan.
Aadan Gabi ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya inaysan keenin deegaanka Ciidamo wax ka qabta dhibaatada isgaoo xusay dhacdadani inay tahay mid sii murjinaysa xaalada deegaanka oo muddooyinkii danbe ay ka jireen cabsi.
Dhamaadkii Sanadkii tagay waxaa lagu dilay meel u dhow degmada Dhabad Ganacsade Shuuke waxaana dilkiisa uu deegaanka ka abuuray xaalad adag iyadoo dhawaan xubna ka socda dowladda Soomaaliya ay soo afmeereen xiisadihii deeganadaasi ka jiray ee khasaaraha dhaliyay.