London(AGGM) Dowladda Mareykanka ayaa digniin ka soo saartay weeraro argagixiso oo ay Shabaab ka geystaan magaalada Kambaala.
War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay ka war heleen weeraro argagixiso oo ay maleegayaan dhagar qabayaasha Shabaab kuwaas oo ay suurtagal tahay ineey ka dhacaan magaalada Kambala iyo meelo kale oo loo dalxiis tago.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ka digay qaraxyo ay suurtagal tahay in lala beegsado magaalada Kambala, wuxuuna afhayeenku ku wargeliyay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan dalkaasi iney muujiyaan taxadar iyo feejignaan badan.
Ugu dambeyntii dowladda Mareykanku waxey ku boorrisay dowladda Uganda iney qaaddo talaabooyin ay ku xaqiijiso amaanka, waxeyna dowladda mareykanku farta ku fiiqday goobaha loo dalxiis tago iyo meelaha ay bulshadu ku badantahay.
Iska Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com