Guddiga KMG ee soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa-Harggeysa kulan kula
yeeshay haweenka labada Aqal ee kujira Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada Haweenka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya ayaa guddiga u gudbiyey talooyinkooda ku aaddan
Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Kulankan oo ay ka qeybgalayn dhamaan Xubnaha Guddiga ayaa waxaa
shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Cabdullahi Abuukar
Xaaji (Eng. Carab).