Tehran (AGGM): Xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray magaalo-madaxda dalka Iran ee Tehran, halkaas oo ay uga qeyb-galayaan shir-weynaha sagaalaad ee Midowga baarlamaannada dalalka Islaamka oo furmi doona February 19.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Tehran ku soo dhoweeyey safiirka Soomaaliya u fadhiya Tehran, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Iran iyo guddiga qabanqaabada shirka.
Shirka waxaa looga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda, arrimaha haweenka, xuquuqda aadanaha, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kuwo kale.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com