Daawo Sawirada: Ciidamada Dowladda Itoobiya Ee Gobolka Hiiraan Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Ciidamada AMISOM.

0

Baledweyne (AGGM): Ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray ciidanka AMISOM.

Xaflad lagu qabtay jaamacadda Hiiraan ee duleedka bari ee magaalada Beledweyne ayaa ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka waxaa loo xiray dareeska iyo astaanta lagu yaqaanno ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Xafladda waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Taliyaha ciidanka AMISOM ee Waaxda 4-aad, Kornayl Cabdiraxmaan Cabdi oo ka hadlay munaasabadda ayaa soo dhoweeyay ku biirista ciidanka Itoobiya ee howlgalka AMISOM, isagoo dhinaca kalena uga digay kooxda Al-Shabaab inay ku sii sugnaato gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Maxamed Ibraahim Sanbuur oo ah ku simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ka codsaday dowladda Itoobiya iyo AMISOM inay qalabeeyaan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Isku soo wada duuboo Sarkaal u hadlay ciidanka Itoobiya ayaa xafladda ka sheegay inay dhowaan billaabi doonaan howlgal milateri oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayna soo celin doonaan ammaanka iyo kala dambeynta gobolka Hiiraan.

DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA DCIM100MEDIA

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com