QORMO:- Faragalinta Lagu Hayo Dalkeena Soomaaliyeed

0

Alaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo(SCW)

Marka Hore Soomaalidu ilaaheey waxuu siiyay nimcada aduunka tii ugu sareeysay ee uu
adoomadiisa ku maneysto.

Dalka Soomaaliya waa dal hodan dhan kasta ka
ah, Waa dal ugu xeebta dheer Afrika, Raaskaambooni, Raas caaseyr ilaa
Lowya Cade. Waa dal badda ku daraf ilaa daraf badda isgaarsiisan tahay,
dhanka kalena ilaahey ku maneystay Barri Barwaaqo sooran ah oo macdanta
dhex ceegaagi.

Dalka Somaliya waxaa mara laba wabi ,Juba iyo Shabeele iyo waliba wabiga
dawo ee daraf ka mara.

Dalka Soomaaliya waxuu leehayay hawa wanaagsan oo
dabiici ah ,kuleyl iyo qaboob midna aheyn inta badan. Sidoo kale Soomaalida
nimcooyinka uu Allah ugu deeqay waxaa kamid ah in ay yihiin dad isku dad
iyo Af ah isla Markaasina isku diin ah ,100% Soomaalida waa muslimiin
sunniyiin ah.

Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo badan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaasaba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan, kuna taala meel aad muhiim u ah (bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton wuxuu yiri 1855 tii, “ Berbera waa albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Badda Cas waana xuddunta marinka Bariga Afrika”. Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata faragalinta iyo damaca shisheeye.

Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulballaarsi iyo is-adoonsi. Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boortuqiisku qabsaday furdada Baraawe sanadkii 1506dii. Qabsashadii Ingiriisku qabsaday goballada Waqooyi gugii 1884kii iyo qabsashadii Talyaaniga qabsaday Banaadir iyo xeebaha u dhow sanadkii 1892dii

Dalkaan waligiisba waa lasoo damaaciyi jiray. Intey doontaba ha qaadatee, dadka Soomaalida waxa ay ahayeen kuwa guuleeysta aakhirkana u hara dalkooda. Dadka Soomaaliyeed dhiillo wey dhexmari jirtay dhexdooda balse dalkaan wey ka difaaci jireen damaaciga doolka ah.

Waxay garab iyo gaashaanba siin jireen midnimada iyo madax-banaanida.

Maanta xaalku wuu ka duwan yahay kii hore. Ma maqashay qofkaan dal hebel baa wata?.
Ma maqashay ciidankaan dal hebel baa soo barbaariyay oo biila? Ma maqashay meeshaas lama agmari karoo qoley u meeran-tahay? Salaan Carrabay (AUN) gabaygiisa Mine waxaa ka mid ah “Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye”. Waxa ceeb iyo cadaab meelkasta ina haysta waa wax aynu inagu mas’uul kanahay.

Waxaa lama huraan ah intey goori goor tahay in la caymiyo waxa dalkaan u haray ha ahaato dad, duunyo ama degelba.

Waa su’aal da’ weeynee yaa dalkaan dabaqabanaya? Ila ma’aha siyaasiga hadda jira! Badankood waxa ay usoo joogeen waxa qarankii burburiyay.

Waxa la garan la’ yahay inta aan la gaarsiin dagaalka meesha ugu danbeeysa in la helo aalad ama nidaam lagu saxo qaladka iyo khilaafka.

Fikir kala duwanaanshaha waa wax waligeedba soo jiray oo ilaa xiligii Nabbi Maxamed ( NNKH ) waxaa jirtay in ay isku qabsan jireen Muhaajiriin iyo Ansaar waxaana mar walba la hadli jiray oo isku keeni jiray Nabbi Maxamed (NNKH) Meeshaa waxaan ka aqrisan karnaa in midnimada iyo wadajirka Umadeed ay mihiim tahay waayo Nabbigeena Maxamed ayaa sidaa yeeli jiray sidoo kale Mideynta ummad iyo dal ma aha wax sahlan oo waxeey u baahan tahay in ay dad badan u istaagaan sida aqoonyahano, suugaanyahano,siyaasiyiin,culumo,dhalinyarro IWM.

1- Aqoonyahanka: Waa in qibradiisa iyo Aqoontiisa uu la kaashado sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa ummada.

2- Suugaanyahanka: sidoo kale waa in uu suugaanta noocyadeeda kala duwan u adeegsadaa sidii u isugu soo dhaweyn lahaa Bulshada.

3- Siyaasiga: Waa in uu noqdaa mid dantiisa ay tahay mideynta, isku soo dhaweynta iyo isku duubida ummada.

4- Culumada: Doorkoodu waa in ayaga oo kaashanaya diinta iyo sunaha nabiga ay ummada u sheegaan manaafacaadka iyo muhiimda midnimada.

5- Dhalinyarada: Doorkoodu waa in ay ka shaqeeyaan midnimada, isjecleysiinta iyo isku duubida dadka iyo dalka.

Hadii intaan oo mid ah la hello umadi waa liibaantaa sidii ilaaheey uu ka rabayna waa noqotaa.

Siyaasi: Siciid Cali axmed Qurbaawi

Xisbiga Hiigsi Qaran(Somalia)

Allah Mahad leh